Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Daacish oo sheegatay weerar ka dhacay Muqdisho


ISIS flag
ISIS flag

Ururka Daacish ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerar saaka ka dhacay magaalada Muqdisho.

Daacish ayaa sheegtay inay dileen sarkaal ka tirsan booliiska xaafadda Hodan, waxayna daabaceen sawirro muujinaya ninka weerarka gaysanaya oo tooganaya shaqsiga la bartilmaameedsaday.

Weerarkaas ayaa dadka degaanku sheegeen in lagu dilay xubin ka tirsan ciidamada ilaalada gaadiidka waddooyinka. Dawladda Soomaaliya weli kama hadlin dilkaasi iyo cidda ka dambaysay.

Dhinaca kale, ugu yaraan shan qof ayaa ku dhaawacantay weerar loo adeegsaday baabuur uu wado qof ismiidaamiye ah oo lala damacsanaa kolonyo ka tirsan ciidamada amniga ee Soomaaliya, magaalada Afgooye.

Dadka dhaawacmay aya ala sheegay in afar ka mid ah ay ahaayeen rayid. Sidoo kale waxaa meesha ku dhintay qof carruur ah oo la sheegay inuu jiidhay baabuur ka cararay goobta qaraxu ka dhacay.

XS
SM
MD
LG