Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tirada dhimashada roobabka Somaliland oo korodhay


Saylici
Saylici

Dadka ku dhintay duufaanta iyo roobabka ka da’ay Somaliland, gaar ahaan gobollada galbeedka ayaa tiradoodu korodhay.

Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo kormeer ku tegay deegaannadaas, ayaa tirada dadka dhintay uu sheegay ay ku dhaw yihiin konton qof.

Saylici oo warbaahinta Hargeysa kula hadlay ka hor intii aanu mar kale deegaannadaasi ku laabaan, ayaa sheegay in laba diyaaradood oo kuwa qumaatiga u kaca ah ay Imaaraadku ku caawiyeen, si gargaarka loogu gaadhsiiyo dadka.

Weriyaha VOA Barkhad Maxamuud Kaariye ayaa warbixintan ka soo diray Hargeysa.

Tirada dadka ku dhintay roobabka Somaliland oo korodhay
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:31 0:00

XS
SM
MD
LG