Caqabado xoogan, oo midkood uu yahay amniga, ayaa haysta dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku kora ama ku dhasha gobolada ay Soomaalidu ku badan yihiin dalkan Mareykanka.
Todobaadkan waxaa soo booqdey magaalada Washington, D.C. mid ka mid ah hoggaamiyaasha ardeyda Soomaaliyeed ee Jaamacadda Ohio State University. Hamza Cabdisalaan Ahmed Shabeel oo ugu warmay Sahra Cabdi Axmed Studio VOA ayaa sheegay in dhalinyaro uu horay u yaqaaney lagu diley Ohio, caqabadaasina ay tahay wax ay haatan doonayaan in xal loo helo.