Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirweynaha Qaran ee Dastuurka oo Muqdisho ka Furmay


Shirka dib u eegista Dastuurka ee Muqdisho ka furmay maanta
Shirka dib u eegista Dastuurka ee Muqdisho ka furmay maanta

Shirwaynaha dib u eegista geedi socodka Dastuurka Soomalaiya ayaa maanta laga furay Magaalada Muqdisho.

Shirka oo socon doono muddo seddex cisha ah ayaa diiradda lagu saarayaa dib u eegista dastuurka KMG ah ee Soomaaliya, waxaa shirka goob joog ka ah ku simaha Madaxweynaha Soomalaiya ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal,Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre.

Shirka waxaa kaloo jooga wakiilo ka socda Maamulada ka jira Soomaaliya marka laga reebo Jubba Land oo shirka qadacday.

Dhamaan dadkii ka hadlay ayaa ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in dib loo eego dastuurka KMG ah ee Soomaaliya si loo helo hannaan cad oo Soomaaliya ay wajahdo 2020.

Faah-faahinta warkani waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqadir Ok.

Dhageyso Dib-u-eegista Dastuurka
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:13 0:00


XS
SM
MD
LG