Isku xirrada

War Deg-Deg ah

France: Dil loo Geystay Nin Dad Middiyeeyey


Saraakiisha Faransiiska ayaa sheegaya in ninkii ka dambeeyay weerarkii dhimashada sababay ee middida loo adeegsaday bartamaha, Paris sabtidii, uu ku dhashay dalka Chechnya sanadkii 1997-kii. Bileyska ayaa aabihii kaxeystay si ay su'aalo u weydiiyaan.

Eedeysanaha ayaa middi la dhacay shan ruux. Mid ka mid ah 5-taasi oo 29 jir ah ayaa durbaba geeriyooday. Wasiirka Arrimaha Gudaha Faransiiska, Gerard Collomb ayaa sheegay Axaddan maanta ah in afarta qof ee kale ay xaalad halis ah ku jiraan.

“Booliska ayaa ninka weerarka geystay isla goobta ku dilay” ayuu yiri Collomb isagoo saraakiisha ciidamadana ku amaanay tallaabadaasi.

Kooxda ISISI ayaa wakaaladda ay wararka ku baahiso soo dhigtay war ay ku sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, iyadoo xustay in ninka fuliyay uu ahaa askari iyada ka tirsan.

Xeer Ilaalaiyaha Guud ee magaalada Paris Francois Molins ayaa wariyayaasha u sheegay in ninka middida dadka la dhacay uu “Allaahu Akbar” ku dhawaaqayay marka uu weerarka fulinayay.
Molins waxa uu intaa ku daray in Polisku ay billaabayaan baaritaan dhinaca la dagaallanka argagixisada ah oo weerarkan la xiriira.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa qoraal uu Twitterkiisa soo dhigay ku sheegay in “Faransiisku aanu hal taako siineynin cadowga xorriyadda” sida uu hadalka u yiri.

XS
SM
MD
LG