Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dani Alves oo Seegaya Koobka Aduunka


Midig waxaa fadhiya Dani Alves, bidixna Naymar

Laacibka difaaca uga ciyaara xulka Brazil iyo kooxda Paris St Germain Dani Alves ayaa seegi doona ciyaaraha koobka aduunka ee bisha soo socota ka furmi doona dalka Russia, kadib marki uu ka dhaawacmay jilibka.

Alves, ayaa ka baxay garoonka isaga oo dhutinaya ciyaar ay Talaadadi kooxdiisa Paris St Germain, la ciyaartay kooxda Les Herbiers finalka French Cup.

Dhaqtarka xulka Brazil doctor, Rodrigo Lasmar, ayaa u duulay magaalada Paris si uu qiimeyn ugu saameeyo dhaawaca soo gaaray Alves, waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan inuu u baahnaan doono qalliin ay suurtagaltahay in baxnaanadiisa ay qaadato muddo lix bilood ah.

Xulka Brazil ayaa laba ciyaarood oo saaxibtinimo oo uu isugu diyaarinayo koobka aduunka la ciyaari doono xulalka xulalka Croatia iyo Austria 3-da iyo iyo 10-ka bisha bisha June.

Kulankooda ugu horreeya ee koobka aduunka ayaa waxay la qaadan doonaan xulka Switzerland 17-ka bisha June.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG