Isku xirrada

War Deg-Deg ah

4 Ruux oo ku Dhimatay Qarax ka Dhacay Buulo-Mareer


Qarax

4 ruux ayaa ku geeriyootay 5 kalana dhaawacyo ayaa kasoo gaaray kadib marki miino dhulka lagu aasay ay maanta ku qarraxday Suuq lagu iibiyo xoolaha oo ku yaalla deegaanka Buulomareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.


Gudoomiye ku xigeenka degmada Kuntuwaareey Muxiyadiin Khaliif Caliyow, ayaa VOA u xaqiijiyay in maalmaha Sabtida ay yihiin maalmaha ugu mashquulka badan ganacsiga xoolaha ee suuqa Buulomareer.

Qaraxa ayaa waxaa sidoo kale la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ugu yaraan 5 neef oo Lo ah.


Lama oga cidda ka danbeysa qarraxaasi, hase yeeshee maamulka degmada Kuntuwaarreey ayaa ku eedeeyay mas,uuliyadda weerarka ururka Al Shabaab.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG