Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda Ferguson oo ka soo raynaysa


Alex Ferguson

Tababarihii hore ee Manchester United, Sir Alex Ferguson ayaa laga saaray xaaladdii daryeelka xooggan ee isbitalka Salford Royal Hospital, xilli uu kasoo kabanayo qallin maskaxda looga sameeyey.

Ferguson ayaa lagu sii hayn doonaa qeybta bukaanada ee isbitalka kadib markii uu maskaxda dhiig kaga furmay sabtidii.

Bayaan kasoo baxay kooxda Manchester United ayaa lagu yiri “Qoyska Ferguson waxaa ka tan batay heerka taageerada iyo rajo wanaagga ay heleen, hase yeeshee waxy codsanayaan in la dhowro sirtooda qoys ee gaarka ah”

Ferguson oo ku guuleystay 13 horyaal oo Premier League ayaa isbitalka loo qaaday kadib markii uu ku dhacay gurigiisa.

Macallinka iminka ee Manchester United, Jose Mourinho ayaa sheegay in kooxda ay aad ugu niyadsan tahay in Ferguson uu si buuxda usoo kaban doono.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG