Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Hiiraan: Diyaarado duqeeyey saldhig Al-Shabaab


Shabaab
Shabaab

Diyaarado aan la aqoonsan ayaa shalay galinkii dambe waxaa ay duqeyn ka fuliyeen deegaan lagu magacaabo Jiljileey oo18 KM u jiro tuulada Ceelcali oo dhanka galbeed illaa 70 KM uga beegan magaalada Baledweyne ee xaruunta gobalka Hiiraan.

Ma jirto xog rasmi ah oo laga helay khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ilaa 7 jeer jug xoog leh laga maqlay goobta la duqeyay laakiin wax faahfaahin ah oo intaa dheer kama aysan bixin duqeynta.

Deegaanka duqeynta ay ka dhacday ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa saldhig lagu tababaro malayshiyaadka Al-Shabaab, islamarkaana laga abaabulo weerarada uu ururka ka geysto goballada Hiiraan iyo Bakool.

XS
SM
MD
LG