Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Real Madrid oo u gudubay final-ka UCL


Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa xalay u gudubtay cayaarta kama dambeysta ah ee koobka horyaallada Yurub kadib markii ay garoonkeeda barbardhac kula gashay kooxda Bayern Munich.

Cayaartan oo ahayd lugtii labaad ayaa ku dhammaatay 2-2, hase yeeshee maadaama Real ay 2-1 ku badisay cayaartii koowaad ee ka dhacday garoonka Bayern waxay ku gudubtay cel celis ah 4-3.

Waa markii saddexaad oo xiriir ah oo Real ay u gudbeyso cayaarta kama dambeysta ah ee koobka ugu qiimaha badan tartmada kooxaha Yurub, ayada oo labadii sano ee tagtay koobka hanatay.

Real ayaa cayaarta kama dambeysta ah wajihi doonto kooxaha Liverpool ama Roma middii caawa soo baxda, ayada oo Liverpool ay 5-2 ku adkaatay lugtii hore.

Roma ayaa u baahan inay ku adkaato 3-0 ama 4-1, si ay final-ka u gaarto, ama ugu yaraan 5-2 si ay waqti dheeri ah ugu darto cayaarta, taasi oo ah shaqo adag.

XS
SM
MD
LG