Wiil yar oo afartan cisho dhalan iyo gabadh ay walaalo yihiin oo 2 sano jirtay ayaa ku geeriyooday daadad xalay ku qaaday magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Carruutan ayaa ku haftay daad ku soo rogmaday guri ay ku noolaayeen oo sandaqad ka sameysanaa, una dhow meel doox ah. Hooyadii dhashay carruurtaas ayaa laga soo badbaadiyey daadadka.
Dhinaca kale madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa isla xalay booqday qoyska ay dhibaatadan soo gaartay.
Wariyaha VOA-da Sagal Mustafe Xasan ayaa warbixintan ka soo dirtay Hargeysa.
Facebook Forum