Yididdiillo taxaddar ku jiro ayaa laga muujinayaa wadahadallada ay dhowaan yeesheen madaxweynayaasha Kuuriyada Waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed Kim Jong Un iyo Moon Jae-in.
Dhinaca kale Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa la filayaa inuu isna la kulmo Madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi bisha dambe goob ana weli la cayimin.
Haddaba intee ayey le’eg tahay rajada diblomaasiyaddan u eg inay beddelayso colaaddii iyo is horfadhigii ka taagnaa gacanka Kuuriya?
Jaamac Buulle Jaamac ayaa arrimahan ka waraystay Cabdifataax Maxamed Muuse oo shahaadada PhD ku diyaarainaya Malaysia.