Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mattis: Ma Jiro Go'aan Looga Baxayo Heshiiskii Iraan


Xoghayaha gaashaandhigga Mareykanka Jim Mattis ayaa sheegey inaysan jirin wax go’aan ah oo uu Mareykanka gaaray oo uu kaga baxayo heshiiskii Nugliyerka Iran ee 2015.

Mattis, ayaa sheegey in ay Washington kala shaqeyneyso saaxiibbadooda Yurub haddii ay jiraan wadiiqooyin lagu xoojin karo heshiiskaasi.

"Go’aan wali lama gaarin oo ku aaddan haddii dib loo qaabeyn doono heshiiskaasi si aan ugu sii jirno, ama haddii uu madaxweynuhu go’aansanayo in uu ka baxo,” sidaasi waxaa guddiga senetka u qaabilsam ciidamada u sheegey Mattis, Khamiista maanta.

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron, oo soo gaba gabeeyay safar uu Maerykanka ku joogay, ayaa Arbacadii sheegey in uu rumeysan yahay in madaxweyne Trump uu ka bixi doono heshiiskaani Nugliyerka Iran.

XS
SM
MD
LG