Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yemen: Duqeyn Lala Beegsaday Xaflad Aroos


Saraakiisha caafimaadka Yemen ayaa sheegay ayaa in weerar dhinaca cirka ah oo ay fuliyeen isbaheysiga uu Sacuudigu horkacay lala beegsaday xaflad aroos oo ka socotay waqooyiga dalka Yemen, halkaasina ay ku dhinteen 20 qof.

Khaled Al-Nadhri, oo ah sarkaal sare oo dhinaca caafimadka ah ee gobolka Xajka ee waqooyiga ku yaalla, ayaa wakaaladda wararaka AP u sheegay in inta badan dadka dhintay ay ahaayeen haween iyo carruur isugu soo ururay mid ka mid ah teendhooyinka loogu tala galay xafladda arooska ee ka dhaceysay degmada Bani Qayis. Waxa uu sheegay in aroosaddii ay kamid aheyd dadkii halkaa ku dhintay.

Madaxa Isbitaalka Aljomhuuri ee deegaankaasi ku yaalla Mohammed al-Slamali ayaa sheegay in caruuskii iyo 45 ruux oo kale oo dhaawac ah la gaarsiiyay Isbitaalka..

Mas’uuliyiinta ayaa sheegay in 30 kamid ah dhaawaca ay carruur yihiin, qaarkoodna ay xaaladdoodu aad u daran tahay kuwaasoo qeybo xubnohooda kamid ahi ay googo’een.

Waa weerarkii 3aad oo dhinaca cirka ah oo ay dad badan oo rayid ahi ku waxyeelloobbeen oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhaca dalka Yemen.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG