Maxkamad ku taalla Biljamka ayaa dambi ku heshay laba nin oo isku dayay inay weerar argagixisnimo ku dilaan ciidamo boolis ah gudaha magaalada Brussels March 2016.
Labada qof ee lagu heley dambiga, Salah Abdeslam iyo Sofien Ayari, ayaanan midkoodna joogin dhageysiga maxkamadda oo Isniinta maanta dhacdey.
Abdeslam ayaa lagu xakumay labaatan sano oo xarrig ah. Hadda waxa uu ku jiraa xabsi ku yaalla dalka Faransiiska, kaas oo sugaya xukunkiisa ku aaddan doorkii uu ku lahaa weerarkii November 2015 ka dhacay Paris.