Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afganstan: Ilaa 50 Qof oo Qarax ku Dhintay


Kabo iyo dhar ku daadsan bannaanka hore ee goobta qarraxa lagu weeraray Kabul, Afghanistan, April 22, 2018.
Kabo iyo dhar ku daadsan bannaanka hore ee goobta qarraxa lagu weeraray Kabul, Afghanistan, April 22, 2018.

Nin bam isku soo xiray ayaa Axadi maanta ku dhawaad 50 ku dilay, xarun ku taalla magaalada Kabul oo dad badan loogu qeybinayay kaararka aqoonsiga codbixinta Afghanstan.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha Afghanstan, Najeeb Danish ayaa VOA u sheegay in qofka bamka watay uu dhexda ka galay dad saf ugu jiray qaadashada kaararka aqoonsiga bannaanka iskuul ku yaalla caasimadda Kabul.

Xarumaha caafimaadka ayaa sheegay in tiro 100 ka badan ay ku dhaawacmeen weerarka. Dadka dhaawaca ah ayaa waxaa ku jira 10 ruux oo xaaladdoodu ay halis tahay.

Madaxa Fulinta Dowlada Afghantan Abdullah Abdullah ayaa cambaareeyay weerarka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa ku dhawaaqay todobaadki hore diiwaan gelinta dadka raba in ay codadkooda ka dhiibtaan doorashooyinka Baarlamaaniga iyo Golayaasha Deegaanka Afganstan oo lagu wado in ay dhacaan 20-ka bisha October ee sannadkaan.

XS
SM
MD
LG