Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cirro oo Si Weyn u Dhaliilay Heshiiska Berbera


Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in heshiiska dekedda Berbera ay xisbi ahaan u arkaan Qiyaano-qaran. Waxa uu xukuumadda ugu baaqay inay heshiiskii rasmiga ahaa soo bandhigto. Guddoomiyaha oo maanta warbaahinta kula hadlay Hargeysa, hadaladiisiina waxaa ka mid ahaa.

Guddoomiye Cirro oo Si kulul u weeraray Siilaanyo iyo Biixi
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:29 0:00

Dhinaca kale, shirkaasi jaraa’id kadib, ayaa wariyeheenna, Barkhad Maxamuud Kaariye waxa uu wareysi gaar ah la yeeshay gudodomiye Cirro, kaas oo sidoo kale wax ka weydiiyay khilaaf ka dhex jira xisbigiisa dhexdiis.

Halkan ka dhageyso Wareysi ay VOA la yeelatay Cirro
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:15 0:00

XS
SM
MD
LG