Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Digniin Kulul u Diray Xukumadda Syria


Nikki Haley, Safiirka Mareykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa digniin u dirtay Madaxweynaha Syria Bashar al-Assad Axaddi shalay, iyadoo sheegtay in Mareykanka uu gantaalo cusub ku weerari doono taliskiisa, hadii uu mar kale fuliyo weerar uu u adeegsado hubka kiimikada ah.

Haley oo hadalkan ka sheegtay mar ay u warameysay Telefishinka Fox News, ayaa tiri

"Haddii Asad aysan gaarin fariintii ay xambaarsanaayeen 105tii gataal ee Sabtidii ay Mareykanka, Britian iyo Faransiisku ku dhufteen sadex xarumood oo kuwo hubka Kiimakada ah, waxaa xigaya mid xanuujsa, kuwo kale ayaa xigga, mana ogolaan doono xitaa isticmaalka cadadka ugu yar ee Hubka Kiimikada ah.”

Waxey sheegtay in sida Asad uu u dhaqmo ay ku xirantahay in duqeyntooda ay noqoto jawaab mar qura ay bixiyeen iyo inay sii wadaan.

XS
SM
MD
LG