Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Golihiisa Amniga Kala Hadlay Suuriya


Xilli dowlada Russia ay ka digtay dagaal millatari oo Suuriya darteed u dhexmara Mareykanka iyo Ruushka, ayuu madaxweyne Donald Trump isugu yeeray Golihiisa Amniga Qaranka si uu ugala xaajoodo jawaabta uu Mareykanka ka bixi karo hub kiimiko ah oo uu ku eedeeyay in dowlada Suuriya ay u adeegsatay shacabkeeda.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sarah Huckabee, ayaa Khamiistii bayaan ay soo saartay ku sheegtay in madaxweyne Trump uu la kulmay lataliyaashiisa Amaanka Qaranka, balse aanan wali la gaarin go'aan kama danbeys ah.

Waxaa kale oo ay sheegtay in madaxweyne Trump uu la hadli doono madaxweynaha Faransiska Macron iyo Ra’isulwasaaraha Britain Theresa May.

Dhinaca kalana, dowlada Ruushka oo taageerta dowladda Suuriya ayaa ka codsatay Qaramada Midoobay in maanta oo Jimca ah uu Golaha Amaanka isugu yimaado kulan looga tashan doono xaaladihi ugu danbeeyay ee Suuriya.

XS
SM
MD
LG