Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Ka Jawaabi Doona Weerarkii Siiriya


Madaxwaynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay in maamulkiisu uu ka fiirsanayo jawaabta uu ka bixinayo weerarka la sheegay in kiimikada loo adeegsaday ee ka dhacay duleedka caasimadda Siiriya.

Trump ayaa kahor intaanu kulan la qaadan saraakiil sar-sare oo dhinaca milatariga ah waxa uu sheegay in ay arrintan si xooggan isugu soo qaadi doonaan.

Waxa uu tilmaamay in Mareykanku uu awood u lahaa inuu joojiyo xasaradda halkaasi ka ooggan, gaar ahaan weerarkii Sabtidii ka dhacay bariga Ghouta ee lagu dilay dad aan 40 ka yareyn.

"Waxaan heysannaa doorasho badan, oo dhinaca milatariga ah," ayuu yiri, isaga oo aan wax gaar ah carrabaabin. Sanadkii la soo dhaafay, wuxuu amar ku bixiyay in weerar lagu qaado garoon diyaaradeed oo la sheegay in weerarka kiimikada loo adeegsaday laga soo qaaday.

XS
SM
MD
LG