Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaa 40 Qof oo ku Dhintay Duqeymaha Ghouta


Ciidamada dalka Suuriya ayaa dhulka iyo hawada ka weeraray magaalada bariga dalkaasi ku taala ee Ghouta oo ah ta ugu danbaysa ee ku hadhsanayd gacanta kooxda mucaaridka, iyagoo halkaasna ku dilay ugu yaraan 40 qof.

Telefishanka dawlada ayaa jimcihii baahiyey muuqaal muujinaya qiiq ka baxaya meelo kala duwan oo magaalada Douma ah taasi oo ah deegaanka ugu weyn ee ku yaala Ghouta , waxaanu telefishanku sheegay in ciidamda dawladu ay riixayaan kooxda Jaysh al Islam oo halkaasi gacanta ku hayay.

Dagaalka ayaa imanaya kadib markii kooxo kale oo ku sugnaa Ghouta ay ogolaadeen in la siiyo jid nabdoon oo ay kaga baxaan goobaha ay mucaaridku haystaan ee magaalada waqooyi bari ku taala ee Xalab.

XS
SM
MD
LG