Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Brazil: Garsoore Ugu Yeerey Lula da Silva In uu Caddaaladda Isku Soo Dhiibo


Garsoore maxkamadeed ayaa amray in madaxweynihii hore ee dalka Brazil Luiz Inacio "Lula" da Silva inuu caddaalada isu soo dhiibo wixi ka danbeeya galabnimada maanta oo Jimca ah, si uu ugu billowdo xabsi 12 sano ah oo lagu xakumay.

Warqaddi lagu soo xiri lahaa ayaa lasoo saaray saacado kadib markii ay maxkamada sare ee Brazil ku gacan seyrtay codsi uga yimid Lula Da Silva, kaasoo ahaa inuu xabsiga bannaanka ka joogo inta uu racfaan ka qaadanayo.

Xaakim ka tirsan dowladda federaalka Brazil oo lagu magacaabo Sergio Moro, ayaa amray inuu da Silva iska soo xaadiriyo maanta xabsiga magaalada Curitiba ee ku taalla dhinaca koofureed ee dalka Brazil.

Wuxuu sheegay inuu da Silva siinayo fursad uu lugihiisa ugu yimaaddo xabsiga oo uusan u diri doonin ciidamo soo xira, maaddaama uu soo noqday madaxweyne heer qaran ah.

Lula da Silva ayaa sannadki hore lagu helay danbi ah inuu laaluush ka qaatay shirkado dhinaca dhismaha ah. Laakin, da Silva ayaa eedaha musuqmaasuqa ah ee lagu soo oogay ku tilmaamay kuwo la siyaasadeeyay.

XS
SM
MD
LG