Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo soo jeediyey inuu Aqalka Cad kula kulmo Putin


Trump iyo Putin

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka Sarah Huckabee Sanders ayaa sheegtay in madaxweyne Donald Trump uu soo jeediyey in Aqalka Cad uu noqdo halka uu ka dhacayo kulan ay suurta gal tahay inuu la yeesho madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Soo jeedinta ayaa timid 20-kii Maarso, markaasi oo qadka taleefonka ay ku wada hadleen labada hoggaamiye.

Trump ayaa kadib kulankaasi sheegay inuu rajeynayo inuu Putin la kulmo mustaqbalka aan fogeyn, hase yeeshee qorshahaas ayaan halkas dhaafin.

Sanders ayaan wax faahfaahin ah ka bixin haddii weli uu jiro qorshe uu kulankaasi ku dhacayo.

“Ma jiro wax intaas dheer oo aan hadda sheegi karo” ayey tiri.

Kaaliyaha aqalka Kremlin-ka Ruushka Yuri Ushakov ayaa sheegay in Trump uu soo jeediyey fikradda uu Putin ku marti-qaadayo Aqalka Cad.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG