Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Vialli: Conte ma sugi karo inuu ka tago Chelsea


Bakayoko
Bakayoko

Antonio Conte “ma sugi karo inuu ka tago Chelsea” kadib markii uu noqday macallin aan saameyn ku lahayn siyaasadda soo iibinta cayaartoyda ee kooxda, waxaa sidaas sheegay saaxiibkiis iyo macallinkii hore ee Chelsea Gianluca Vialli.

Chelsea iyo Conte ayaa la rumeysan yahay inay kala tagi doonaan dhammaadka xilli cayaareedka, xilli ay kasii dareyso xiisadda ka dhex ooggan.

Xulka kubadda cagta Talyaaniga iyo kooxda PSG ayaa labaduba lagu warramayaa inay doonayaan Conte.

Vialli ayaa rumeysan in guuldarradii Chelsea ay axaddii kala kulantay Tottenham, oo looga adkaaday 1-3, ay xaqiijinneyso inuu gebo gebo yahay mustaqbalka Conte ee garoonka Stamford Bridge.

“Conte ma sugi karo inuu ka tago Chelsea, uma dulqaadan karo inay soo iibsadaan ama iska iibiyaan cayaartoy, isaga oo aan lala tashan, xaqiiqda ayaa ah in Chelsea ay dooneyso macallin kooxda dhageysta” ayuu yiri Vialli.

XS
SM
MD
LG