Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Saldhigyada AMISOM oo La Weeraray


AMISOM Photo / Tobin Jones 1
AMISOM Photo / Tobin Jones 1

Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerarro loo adeegsaday baabuur laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa ay ku weerareen saldhigyo ay ciidamo AMISOM ku leeyihiin magaalooyinka Buulo Mareer iyo Golweyn.

Weerarkan ayaa Al-Shabab u adeegsatay dhowr baabuur oo ay qaraxyo ka buuxaan. Saldhigga ciidamada AMISOM ee Buulo Mareer ayaa la sheegay inay ugu horrayn ku weerareen laba qarax. Wax yar kadibna waxa la sheegay inay baabuur nooca caasiga loo yaqaan uu isku dayey inuu galo xarunta ciidamada AMISOM ee Golweyn balse ciidamada AMISOM ay qarxiyeen.

Sidoo kale weerarro ayaa laga soo sheegay inay ka dhaceen degmada Qoryooley iyo degaanka Mashallaay.

Saraakiisha Gobolka ayaa sheegay inuu jiro khasaare ka dhashay weerarradan. Ugu yaraan hal qof oo rayid ah ayaa ku dhintay magaalada Buulo Mareer halka toddoba kalena ay ku dhaawacmeen, sida ay sheegeen ilo xogogaal ah.

XS
SM
MD
LG