Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Malala Yousafzai oo Ku Laabatay Magaaladi Ay Ku Dhalatay


Pakistani activist and Nobel Peace Prize laureate Malala Yousafzai poses for a photograph at all-boys Swat Cadet College Guli Bagh, during her hometown visit, 15 kilometers outside of Mingora, March 31, 2018.
Pakistani activist and Nobel Peace Prize laureate Malala Yousafzai poses for a photograph at all-boys Swat Cadet College Guli Bagh, during her hometown visit, 15 kilometers outside of Mingora, March 31, 2018.

Malala Yousafzai, oo ay madaxa ka toogteen maleeshiyo ka tirsan Taliban iyada oo 14 sano jir ah kadib marki ay u ololeysay xuquuqda ay gabdhaha u leeyihiin in ay wax bartaan, ayaa dib ugu laabatay magaalada ay kasoo jeedo ee Mingora ee dalka Pakistan.

Maanta oo Sabti ah ayay Malala ku laabatay deegaanka Mingora oo ka tirsan Dooxada Swat, iyada oo ah qofki ugu da,da yaraa eek u guuleysta Abaalmarinta Nabada ee Nobel, taasoo ay ku muteysatay u ololeynteeda waxbarsahada gabdhaha.

Malala oo Khamiistii ku laabatay Pakistan ayaa la kulantay Ra’isulwasaare Shahid Khaqan Abbasi saacado yar kadib marki ay gaartay Islamabad.

Khudbad laga sii daayay TV-ga ayay ku sheegtay in riyadeedu aheyd sidi ay mar un ugu laaba laheyd dalkeeda hooyo ee Pakistan.

Maleeshiyo hubeysan ayaa madaxa xabado kaga dhigtay Malala xilli ay kasoo laabaneysay Iskuulka, bishii October ee sanadki 2012-ki. Markiiba waxay gagrgaar caafimaadka ka heshay isbitaalo ku yaalla Pakistan iyo Ingiriiska.

Kooxda Talibaanta Pakistan ayaa xiligaasi sheegatay mas,uuliyadda weerarka Malala. Waxay wacad ku mareen in ay mar kale beegsan doonaan.

XS
SM
MD
LG