Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Miguna Miguna oo Mar Kale Kenya Laga Masaafuriyay


Miguna Miguna in Dubai

Siyaasiga reer Kenya ee lagu magacaabo Miguna Miguna ayaa sheegay in saraakiisha dalkaasi ayaga oo dhulka ku jiiraya ka masaafuiyeen dalka Kena.

Qoraal uu soo dhigay facebook-ga ayuu ku sheegay in musqusha garoonka diyaaradaha ee magaalada Nairobi uu ku xirnaa ilaa Isniintii, kadib markii uu ka soo laabtay dalka Canada oo bishii hore loo mastaafuriyey.

Miguna ayaa sheegay in saraakiishu soo jabiyeen suuligii uu ku jiray Khamiistii islamarkaana ay wax ku mudeen kadibna ay u jiideen dhanka diyaaradda Fly Emirates oo u qaaday magaalada Dubai.

Qareeniisa ayaa sheegay in la tarxiilay iyadoo uu jiro amar maxkamadeed oo ah in la sii daayo.

Miguna ayaa loo musaafuriyey dalka Canada bishii hore kadib markii uu dhaariyey hogaamiyaha mucaaridka dalkaasi Raila Odinga.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG