Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Horyaallada Yurub oo Dib U billaabanaya


Bakayoko iyo Antonio Conte
Bakayoko iyo Antonio Conte

Waxaa Sabtida iyo Axada dib u billaaban doona horyaalada kubada cakta ee Yurub oo dhan, kadib marki ay hakad galeen 10-ki maalmood ee lasoo dhaafay oo ay dunida ka dhacayeen ciyaaro saaxibtinimo oo caalami ah.

Ingiriiska kullano xiisa leh ayaa dhici doona, dhamaadka todobaadkan.

Kulanka ugu xiisaha badan ayaa lagu tilmaamay kan Axada dhex mari doona kooxaha Chelsea iyo Tottenham oo ka wada dhisan magaalada London.

Chelsea ayaa u baahan in ay ka badiso Tottenham si ay usoo nooleyso rajadeeda kaalinta afraad ee Premier League, taas ayaa u suuragelin karto in ay ka mid noqoto afarta koox ee xilli ciyaareedka soo aadan England u matali doona koobka kooxaha horyaalada Yurub.

Tottenham ayaa hadda ku jirto booska afraad, waxana ay ka sarreysaa Chelsea shan dhibcood. Hadii ay Tottenham Chelsea ka badiso, waxay kaalinta afraad kusii xajisan doontaa siddeed dhibcood.

Ciyaartan ayaa ka dhici doonta garoonka Chelsea ee Stamford Bridge. Tottenham wax guul ah kuma aysan gaarin garoonkaasi tan iyo sanadki 1990.

Kooxda Manchester City ku guuleysan doonta horyaalka Ingiriiska sanadkaan, hadii ay ka badiso Everton oo ay Sabtida la ciyaari doonto iyo Manchester United oo ay la dheeli doonto todobaadka soo socda.

XS
SM
MD
LG