Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Xaalka Soomaalida ku Xiran Maraykanka


Jonathan Ryan waa Qareen dhanka Socdaalka ah, waxuu gacanta ku hayaa caseska 80 qof oo African u badan oo 60 ka mid ahna ay Somalia yhiin, kuwaas oo ku xiran Xabsi ku yaalo gobolka Texas.


Qareen Ryan ayaa sheegay in xarumaha lagu hayo dadkii dhowaanahan laga qabqabtey guddaha dalkan Mareykanka iyo qaar ka mid ah kuwii diyaarad qaaddey laga soo celiyey dalka Senegal ay hadda ku noolyhiin tacadiyo loogu geysto xabsiyada dhexdooda.


Qareenka ayaa sheegay in dadkaas loo geysto xadgudubyo xaga xuquuqda Aadanaha ah oo ay ku jiraan garaacis, aflagaado- Sharaf dil iyo falal maskax ahaanba wax loogu dhimayo.


Wareysi dhinacyo badan taabanayo oo uu Qareenkaasi VOAda ayuu qareenku ku sheegay in tacadiyadan ay geysanayana ilaalada xabsiyada dadkaasi lagu hayo.

Wareysiga oo ay qaadday wariyeheena Sahra Cabdi Axmed ayaa ugu horeyn weydiisay tirada Soomaalida ah ee xabsiyadaasi ku jira.

Dhageyso Wareysiga Qareenka
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:59 0:00

XS
SM
MD
LG