Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Weerar Qarax oo Dhaawacyo Sababay


Laba ruux ayaa ku dhaawacantay qarax ka dhashay miino la sheegey in lagu xiray gaari noocyada yar yar ee sida gaarka ah ay dadku adeegsadaan, gudaha Muqdisho, maanta.

Warka ay VOA heleyso, ayaa sheegaya in gaariga qarxay uu la socday nin magaciisa lagu soo koobay Cabdixafiid, oo la shaqeeya mid ka mid ah hay'adaha gar-gaarka.

Xaaladda Cabdixafiid, ayaa la sheegey in ay liidato, iyadoo ay dhaqaatiirtu hadda la tacaalayaan.

Weerarka, ayaa ka dhacay gelinkii dambe ee maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Wariyaha VOA ee Muqdisho Cabdiqaadir Maxamed Cabdulle, ayaa faahfaahintan inoo haya.

please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:02:37 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG