Dalka Kanada sanad walba waxaa deeq waxbarashada sare ah ka hela arday laga soo xulo dalalka Africa ee Saxaraha ka hooseeya.
Deeqdan Waxbarasho ayaa waxaa lagu bixiyaa barnaamij loogu magac daray 'The African Leaders of Tomorrow,' oo lagu xusuusto, madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika ee geriyooday, Nelson Mandela, iyo dadaalkiisii caddaaladda bulshada iyo sinnaanta.
Waxaa barnaamijkan uu ka taageeraa dhalinyarada Afrika inay noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka ee siyaasadda iyo maamulka. Sanadkan, dadkii la keenay oo gaarayay 30 waxaana kamid ah Maxamed Xasan oo Soomaali ah. Wariyeheenna Toronto Xuseen Nuur Xaaji ayaa warbixintan inoo soo diray.