Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tababare Thomas Tuchel oo lala xiriirinayo Arsenal


Thomas Tuchel
Thomas Tuchel

Thomas Tuchel ayaa lagu warramayaa inuu diiday yabooh uu ku noqon lahaa macallinka kooxda Bayern Munich xilli cayaareedka soo socda, waxaana laga yaabaa iuu beddelo macallinka Arsenal Arsene Wenger.

Wargeyska Sport Bild ayaa ku warramay in macallinkii hore ee Borussia Dortmund uu diiday dadaalka madaxda Bayern, isaga oo sheegay inuu heshiis la galay koox dibedda ah.

Tababarha Bayern ee iminka Jupp Heynckes ayaa sheegay inuu cayaaraha ka fariisan doono dhammaadka xilli cayaareedkan.

Wararka ayaa sheegaya in madaxda Bayern ay ku guuldarreysteen dadaalkooda ahaa inay Tuchel ka dhaadhiciyaan inuu beddelo Jupp, halka wararka kalena ay sheegayaan inay ka daaheen inay heshiis u bandhigaan.

Rug caddaagii hore ee xulka Germany Lothar Matthaus ayaa laga soo xigtay oo u sheegay wargeyska Bild “Tuchel wuxuu xiriir la leeyhay Arsenal”.

XS
SM
MD
LG