Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xiisadda Siyaasadeed ee Baarlamaanka oo Sara Usii Kacday


Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka
Cabdiwali Muudey, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee baarlamaanka

Xiisadda siyaasadeed ee ka dhalatey Mooshinka ka dhan ah gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa cirka isku sii shareertey kadib marki ay gudoomiye ku xigeenada Baarlamaanka ay iska soo daba saareen war-saxaafadeedyo iska soo horjeeda.

Gudoomiye Kuxigeenka 1-aad ee baarlamaanka Somalia, Cabdiwali Ibraahim Muudey ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in 31-ka bishaan Maarso la qaban doono mooshinka codka kalsoonida loogu qaadayo gudoomiyaha baarlamaanka Mohamed Sheikh Cusmaan Jawaari.

Warsaxaafadeedkaasi ayaa lagu wargaliyey xildhibaanada in ay yimaadaan maalinta uu dhici doono moowshinka, oo sidoo kale lagu beegay marka uu furamayo kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka.

Dhinaca kalena, warsaxaafadeed jawaab u ah kan Cabdiwali Ibrahim Musey oo kasoo baxay xafiiska gudoomiye kuxigeenka 2-aad ee Baarlmaanka, Mahad Cabdallah Cawad, ayaa lagu sheegay in iyadoo gudoomiyaha Aqalka Hoose ee baarlmaanka uu joogo ay sharci darro tahay inuu ku xigeenkiisa noqdo kusimaha afhayeenka baarlamaanka.

Md. Cawad ayaa arrintan u kucsaday qodobka 94aad ee dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya.

Dhinaca kalana, warsaxaafadeed ay soo saaren guddiga Aqalka Sare ee dadaalka ugu jira xal u raadinta xiisada siyaasadeed ee dalka ka jirta, ayaa lagu sheegay in ay muhiim tahay in dhinacyada ay isu tanaasulaan oo ay wada shaqeeyaan si looga badbaado xasillooni darro amni, mid dhaqaalo iyo mid siyaasadeed.

Guddigan Aqalka Sare ayaa horay ugu taliyey in mooshinka lagu qabto muddo 10 cisho ah oo ka bilaabanayseay 18-ki bishaan March.

XS
SM
MD
LG