Isku xirrada

War Deg-Deg ah

SAPA oo War Kasoo Saaray Eedaha Loo Soo Jeediyay Maxamed Nuur


Xubno ka mid ah ururka Somalia American Police Association (SAPA).
Xubno ka mid ah ururka Somalia American Police Association (SAPA).

Urur ay ku mideysanyihiin ciidamada booliska Soomaali-Mareykanka ee gobolka Minnesota oo (SAPA) loo soo gaabiyo ayaa ayaa sheegay inay ka xunyihiin eedaha loo soo jeediyay Maxamed Noor oo horey uga tirsanaa booliska Magaalada Minneapolis.

Maxamed Nuur ayaa lagu tuhunsanyahay dilka haweeneey caddaan ah oo sannadki hore lagu toogtay magaalada Minneapolis ee goboka Minnesota. Maxamud oo ay boolisku xireen ayaa xalay dammaanad lagu sii daayay.

War qoraal ah oo ay soo saareen ururkan ayay ku sheegeen in ay rumeysanyihiin in eedaha loo heysto Maxamed Nuur yihiin kuwo la siyaasadeeyey isla markaanka ay cunsuriyadi ka dhadhameyso.

Maxamuud Mascade, Wariyeheenna nooga soo warama Gobolka Mineesota ayaa khadka taleefanka ee Muqdisho oo uu haatan ku suganyahay kula xiriiray, Afhayeenka ururkan, Waxiid Siraaj.

Halkaan ka dhageyso wareysiga ay VOA la yeelatay Waheid Siraach
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:54 0:00

XS
SM
MD
LG