Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ibrahimovic oo ka tagaya Manchester United


Zlatan Ibrahimovic d

Weeraryahan Zlatan Ibrahimovic ayaa la filayaa inuu ka tago kooxda kubadda cagta Manchester United, sida ugu dhaqsaha badan.

Inkasta oo kooxda Man United aysan si rasmi ah ugu dhawaaqin, haddana waxaa la rumeysan yahay in macallin Jose Mourinho uu ogolaaday inuu Ibrahimovic kasii daayo qandaraaskiisa kooxda ee ku eg 30-ka June.

Illaa iyo hadda ma cadda halka uu Ibrahimovic aadi doono, balse waxaa aad loo hadal hayaa inuu ku biirayo kooxda LA Galaxy ee horyaalka Mareykanka.

Ibrahimovic oo 36 jir ah ayaa United kaga soo biiray kooxda PSG sanadii 2016.

Laacibki hore ee xulka qaranka Sweden ayaa dhaliyey 29 gool kadib 53 kulan oo uu u saftay kooxda Old Trafford, hase yeeshee wuxuu la tacaalayey dhaawac tan iyo bishii April ee 2017.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG