Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Putin oo Aad ugu Horreeya Doorashada


Codadkii la dhiibtay doorashada ee dalka Ruushka, ayaa u muuqata in mar kale uu ku guuleystay madaxweynaha dalkaasi Vladamir Putin, kaas oo illa iyo hadda heley 76 boqolkiiba codadkii la dhiibtay.

Putin, ayaa la filayaa in markiisii lixaad uu ku guuleysto hoggaaminta dalkiisa Ruushka, isagoo horey dalkaasi u soo maamulayay 18 sano.

Ra’yi ururin la sameeyay ayaa muujineysa in Putin uu aad uga horreeyo xubnaha mucaaradka ah ee isaga la tartamayay.

Madaxweyne Putin, oo kummanaan dad ah kala hadlay gelinkii dambe ee Axadda fagaaraha Manezhnaya oo u dhow aqalka Kremlin, ayaa u mahad celiyay intii codadka siisay, isagoo sheegey inay guushu soo dhowdahay.

XS
SM
MD
LG