Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bulshada Caalamka oo Baaq u Dirtay Madaxda Somalia


Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, Urur-Goboleedka IGAD, dowladaha Itoobia, Talyaaniga, Sweden, Boqortooyada Midowday ee Ingiriiska iyo Maraykanka ayaa warsaxaafadeed ku sheegay inay aad uga walaacsanyihiin dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee siyaasadeed iyo amni ee ka dhacay Muqdisho, kuwaas oo, sida warsaxaafadeedka lagu sheegay, halis ku ah inay carqaladeeyaan guulihii amni iyo siyaasadeed ee sida dhibka leh lagu keenay, ayna dhaawacayaan sumcadda Soomaaliya.

Beesha Caalamku waxay ku boorrinaysaa dhamaan madaxda Soomaaliyeed iyo siyaasiyiinta inay ixtiraamaan sarreynta sharciga iyo Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka ah marka ay xallinayaan khilaafaadkooda siyaasadeed. Tani waxay u baahantahay inay ku jirto dhowridda hanaanka dimoqoraadiyadeed. Wax kasta oo ay qaadato, waa in laga fogaadaa falalka kor u qaadaya xiisad horseedaysa colaado dhalan kara, ayaa warka saxaafadeed lagu yiri.

Warxafadeedka ayaa lagu sheegay in madaxda Baarlamaanka iyo Laanta Fulinta ay maalmaha soo socda yeeshaan wadahadalo ku dhisan ixtiraam ayna khilaafaadkooda siyaasadeed ku xalliyaan hab nabadeed oo loo maro dastuurka.

Beesha Caalamka waxay bogaadinaysaa kooxaha iyo shakhsiyaadka ku hawlan dhexdhexaadinta xal nabadeed loogu raadinayo khilaafkan siyaasadeed waxayna [beesha caalamku] garab taagantahay dadaalladooda, ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

XS
SM
MD
LG