Macallinka kooxda Tottenham, Mauricio Pochettino ayaa sheegay in dhaawaca soo gaaray weeraryahan Harry Kane uusan cudurdaar u noqon doonin inay lumiyaan kulanka FA CUP-ka ee ay kaga horjeedaan kooxda Swansea.
Kane ayaa seegi doona safarka Tottenham ay ku tageyso garoonka Swansea, kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray anqawga.
Pochettino ayaa qirtay in luminta Kane ay tahay mid waxyeelo leh, hase yeeshii kooxdiisa ay haysato cayaaryahano kale oo tayo sare, kuwaas oo guulo ku hogaamiya.
“Kane waa niyad wanaagsan yahay, wuxuuna isku dayayaa inuu dib usoo kabto” ayuu yiri Pochettino.
“Qiil ma noqon doonto in maadaama Kane maqan yahay dhowr toddobaad inaan yeelan wayno mowqif aan isku dayno inaan guulo ka gaarno” ayuu yiri macallinka Tottenham.