Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cabdiwali Muuddey : Mowshinka Jawaari Waa Ansax


Sida aad idaacadayadii xalayba ku maqasheen, qaar ka mid ah xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Mooshinkaas ayaa la sheegay in uu jabay, ka dib markii tiradii loo baahnaa inay mooshin xareyso la heli waayey.

Haddaba, gudoomiye ku xigeenka 1aad ee baarlamaanka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muuddeey ayaa sheegay in uu wali ansax yahay mooshinkii laga soo gudbiyay gudoomiyaha baarlamaanka isla markaana uusan jirin wax buriyay.

Guddooomiye kuxigeen, Muuddey ayaa sheegay in guddoomiye Jawaari aanu la kulmi karin guddiga joogtada ee baarlamaanka, maaddaama uu isaga mooshinku ka yaallo.

Wariyaha VOAda Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa wareystay guddoome kuxigeen Cabdiwali Sheekh Ibrahim Muuddey.

please wait

No media source currently available

0:00 0:02:59 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG