Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sweden oo Laga Abaabulayo Kulan Dhex Mara Trump iyo Kim Jong Un


Wasiirka arrimaha dibadda Kuuriyada Waqooyi Ri Yong Ho, ayaa maanta oo Khamiis ah ku wajahan dalka Sweden, halkaas oo la filayo in laga abaabulo shir weyne ay suutagal tahay inuu dhexmaro madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo dhiggiisa Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un.

Mr. Ri ayaa gaari doona magaalada Stockholm oo uu ku qaadan doono booqasho laba maalmood ah. Wuxuu la kulmi doonaa wasiirka arrimaha dibadda Sweden Margot Wallstrom.

Safaaradda Sweden ee dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa marka laga soo tago danaheeda diblamaasiyadeed, waxay sidoo kale matashaa danaha diblamaasiyadeed ee dalalka Mareykanka, Canada iyo Australia.

Madaxweyne Trump ayaa todobaadki lasoo dhaafay si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu si fool-ka-fool ah ula kulmi doono madaxweynaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jon Un. Laakin goobta iyo waqtiga kulankaasi ayaanan wali lagu dhawaaqin.

XS
SM
MD
LG