Isku xirrada

War Deg-Deg ah

FBI-du oo Soo Xirtay Nin ku Eedeysan Weerar Masaajid


Darul Faruq
Darul Faruq

5-tii bisha August ee sanadkii hore ee 2017, waxaa weerar bambaano loo geystay Masjid ku yaalla gobolka Minnisota oo lagu magacaabo Daarul Faaruuq.

Bambada ayaa lagu tuuray xafiiska Imaamka Masjidka in yar ka hor salaaddi subax, iyada oo Imaamnku aanu markaas xafiiska joogin. Qaraxasi ayaa waxa uu bur-buriyay xafiiskii iyo qeybihii kale ee u dhawaa.

Dhacdadaas oo Idaacadda VOA ay xilligaas si faahfaahsan uga hadashay, ayaa hay’adaha ammaanku ayna ku guuleystay qabashada qofkii weerarka geystay.

Hase yeeshee, habeenkii xalay ahaa ayaa hay’adda FBI-du shaacisay in la qabtay nin loo tirinayo inuu weerarkaas ka dambeeyey.

Hay’adda ayaa shir jaraa’id ku qabatay isla Masjidkii dhibtu ka dhacday. Haddaba faahfaahinta qabashadan ayaa wariyeheenna Maxamuud Mascadde uu ka wareystay Maxamed Maxamuud Carab oo ah madaxa masaajidka Daarul Faaruuq.

Rag ku eedeysay weerar Masjid oo dacwado lagu soo oogey
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:46 0:00

XS
SM
MD
LG