Isku xirrada

War Deg-Deg ah

City oo dooneysa inay horyaalka qaado kulanka United


Kabtanka kooxda Manchester City, Vincent Kompany ayaa sheegay inay tahay frursad hal mar la arko, inay horyaalka qaadaan, ayaga oo ka adkaanaya kulanka ay la balansan yihiin Manchester United.

Kooxda City ayaa horyaalka Premier League ku qabatay 16 dhibcood kadib makii xalay ka adkaatay kooxd Stoke oo ay 2-0 dirtay, ayada oo labada gool uu dhaliyey David Silva.

City ayaa horyaalka qaadi doonta haddii ay badiso labada kulan ee soo socota oo ay kaga hortagi doonaan Everton iyo Manchester United.

“Qof kasta oo ku sugan qeybta buluga ah ee Manchester waa ogyahay in tani ay tahay fursad mar qura kusoo marta” ayuu yiri kabtanka kooxda Manchester City.

Si kastaba macallin Pep Guardiola ayaa hoos u dhigay muhiimadda arrintan, isaga oo sheegay xili dhow iyo mid fogba inay un hanan doonaan horyaalka, oo aysan muhim ahayn kooxda ay ka badiyaan.

XS
SM
MD
LG