Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Q.M. Sidii La Rabay Uma Fuli Doono Gar-gaarka Ghouta


Qaramada Midoobay iyo ururka caalamiga ah ee Laan-qeyrta Cas ayaa sheegay in kolonyo gargaar ah oo ku wajahneyd bariga Ghouta ee Syria ayan u fuli doonin sida loo qorsheeyay Khamiistan maanta ah sababo ammaan dartood.

"QM waxa ay wali heleysaa warar sheegaya in ay sii kordhayaan dagaalka ka socda Bariga Ghouta oo kaasoo halis galinaya dadka rayidka ah isla markaana is- hor taagaya in gargaarka bani'aadamnimo uu gaaro boqolaal kun oo qof oo kaalmo u baahan, kuwaasoo ay ku jiraan kumanaan carruur ah oo aad u nugul," sidaa waxaa tiri Linda Tom, oo ah afhayeenka xafiiska Isuduwaha Arrimaha Bani'aadamnimada ee Q.M.

46-baabuur ayaa awood u yeeshay in ay gargaar geeyaan Duma ee bariga Ghouta Isniintii, laakiin Q.M., Laanqeyrta Cas iyo Bisha Cas ee Carabta ayaa ka gaabsaday in howlgalkan ay sii wadaan maadaama duqeyn xooggani ay wali aaggaasi ka socoto.

Tom ayaa sheegtay in 10 gaari oo buuxa iyo afar baabuur oo qayb ahaan raashiin iyo dawo sida ay awoodi kari waayeen in la dajiyo.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG