Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burkina Faso: Weerar Lagu Qaaday Safaaradda Faransiiska


Qiiq ka baxaya xarrunta safaaradda Faransiiska ee Burkina Faso, March 2, 2018. (Photo: Issa Napon / VOA Afrique)
Qiiq ka baxaya xarrunta safaaradda Faransiiska ee Burkina Faso, March 2, 2018. (Photo: Issa Napon / VOA Afrique)

Safaaradda Faransiiska iyo xarrunta dhaqanka ee Faransiiska ee Ouagadougou, xarrunta dalka Burkina Faso, ayaa weerar lagu qaaday, Jimcaha maanta.

Goob joogayaal ayaa wakaaladda waraka Faransiiska ee AFP u sheegey shan nin oo hubeysan ay inta ay gaari ka soo degeen dabadeedna rasaas ku furey dad meesha ag joogay, ka hor intaysan u gudbin dhinaca iyo safaaradda.

Wariye AFP ka tirsan ayaa sheegey in uu maqlay rasaas xooggan oo la is weydaarsanayo, islamarkasina arkay gaari gubanaya.

War la soo dhigay bogga safaaradda ay ku leedahay Facebook, ayaa lagu yiri: “Weerar ayaa ku socda safaaradda Faransiiska iyo mac-hadkuba, ku neggaada xarrumihiina.”

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi, mana jirin cid si dhaqso leh u sheegatay mas'uuliyadda weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG