Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Gubey Raashiin Loo Wadey Waajid


Maleeshyada ururka al-Shabab ayaa la sheegay inay ku dileen sagaal dameer meel ah u dhow magaalada Waajid ee gobolka Bakool maanta.

Al-Shabab ayaa la sheegay inay qabteen gaari dameerrada, kuwaas oo ay ku rarnaa cunto loo wadey degmada Waajid.

Warka ay VOA heleyso ayaa intas ku daraya in al-Shabab ay qabteen laba nin oo la socday dameeradaas kuwaasi oo aan haatan la ogayn xaaladdooda.

Dadka magaalada Waajid ayaa VOA u sheegay in Al-Shabaab ay sidoo kale gubeen raashinkii saarnaa oo iskugu jiraya bariis, sonkor iyo bur. Waxay sidoo kale Shabaab gubeen buudhigii ama gaarigii ay dammeeradu jiidayeen.

Dhacdadan ayaa la sheegay inay ka dhacday meel u dhow tuulada Ceelboon oo 15km dhinaca galbeed ka jirta magaalada Waajid.

XS
SM
MD
LG