Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Diblumasi sare oo Shaqada Wasaaradda A. Dibadda Ka Tagaya


Joseph Yun, wakiilka gaarka ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi ayaa toddobaadkan shaqada ka tagaya.

Afhayeen u hadashay wasaaradda, Heather Nauert, ayaa war soo saartay Isniintii ku tiri "Yun ayaa howl gab ka noqonaya shaqada Jimcan soo socda." Balse xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Rex Tillerson, ayaanan ku deg degeyn in uu aqbalo go’aanka diblumaasigaasi.

Yun, oo sidoo kale haya xilalka kaaliyaha xog-hayaha arrimaha dibadda Mareykanka ee dalalka Jabaan iyo Kuuriya, ayaa in uu shaqada ka fariisanaayo u sheegey Isniintii dhowr warbahinood.

Rug-caddaagan 32-ka sano ka soo shaqeynayay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka, ayaa waxa wakiilka gaarka ah ee siyaasadda Kuuriyada Waqooyi u magacaabay October 2016, madaxweynihii hore ee Barack Obama.

Is-casilaaddiisani waxay imaanaysa iyadoo ay soo muuqanayaan ififaallo ku aaddan in ugu dambeyn Pyongyang ay rajeyneyso inay wada hadal toos ah la gasho Washington, si loo dhammeeyo xiisadda ka dhalatay sameysashada Nugliyerka Kuuriyada Waqooyi.

XS
SM
MD
LG