Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya: Maxkamad Amartay Dib u Soo Celinta Mucaarad La Musaafuriyay


Miguna oo ag taagan hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, kaas oo bishii January isku caleema saaray madaxweynaha dadka Kenya.
Miguna oo ag taagan hoggaamiyaha mucaaradka Kenya, kaas oo bishii January isku caleema saaray madaxweynaha dadka Kenya.

Maxkamadda sare ee dalka Kenya ayaa ku amartay wasaaradda arimaha gudaha ee dalkaaasi in dib ay u soo celiso sarkaal sare oo ka tirsanaa xisbiga mucaaradka laguna magacaabo Miguna Miguna oo dalka hore looga masaafuriyey.

Miguna ayaa loo masaafuriyey dalka Kanada isagoo lagu eedeeyey inuu ku lug yeeshay arrimo sharci-darro ah. Miguna Miguna, ayaa ahaa ninkii dhaariyey hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga markii uu bishii hore isku caleemo-saaray inuu yahay madaxwyenaha Kenya.

Wariyaha VOA Maxamed Farax Shire ayaa la socday maxkamaddaasi waxuuna inooga soo diray warkan magalada Gaarisa.

Go'aanka maxkamdda sare ee Kenya
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:23 0:00

XS
SM
MD
LG