Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Guterres: Xabad Joojinta Siiriya Hala Dhaqan-geliyo


Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa maanta oo Isniin ah sheegay in qaraarki xabad joojinta ahaa ee uu Golaha Ammaanka soo saaray uu kaliya micno sameyn doono haddii si rasmi ah loo dhaqan geliyo.

Guterres ayaa mar kale ku celiyay in dadka ku dhibaateysan bariga Ghouta aysan wax badan sugi karin gar gaar bani aadannimo.

Golaha Amaanka ee Q.M. ayaa Sabtidii isku raacay ansixinta qaraar dalbanaya in muddo 30 cisho ah guud ahaan dalka Suuriya laga dhaqan geliyo xabbad joojin.

Sidoo kale, wuxuu dalbaday in go'doominta laga qaado Ghouta si shaqaalaha gar-gaarka ay u caawiyaan kuwa gargaarka u baahan.

Laakin dagaalka Ghouta ayaa wali sii socda. Qaramada Midoobay iyo kooxaha kor kala socda colaadda Suuriya ayaa soo wariyay in maanta oo Isniin ahi bariga Ghouta ka dhaceen duqeymo culus.

Todobaadkii lasoo dhaafay oo kaliya ayaa waxaa la xaqiijiyay in aaggaasi oo ay heystaan mucaaradka lagu dilay ugu yaraan 500 oo ruux oo u badan rayid.

XS
SM
MD
LG