Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Golaha Ammaanka oo u Codeynaya Xabad Joojinta Siiriya


Golaha ammaanka ee Q.M. ayaa u ballansan 11 ka subaxnimo Jimcaha maanta inay cod u qaadaan qaraar 30 cisho oo xabbad joojin ah ka dhaqhan gelinaya magaalada ay colaaduhu ka socdaan ee Ghouta, si gar gaar bini’aadannimo loo gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan halkaasi.

Ruushka ayaa Khamiistii ka hor-yimid qaraarka, waxana uu ku baaqay in is baddal lagu sameeyo qaaraarkaasi oo ay soo diyaariyeen dalalka Sweden iyo Kuwait. Walina ma cadda sida Ruushka oo saaxiib la ah dowladda Siiriya uu qaraarkaasi ugu codeyn doono.

Khamiistii ayaa dowladda Mareykanka waxay sidoo kale cambaareysay duqeynta ay dalalka Ruushka iyo Iiraan ku hayaan bariga Ghouta.

XS
SM
MD
LG