Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Bayern Munich oo u Gudubtay Semi-finalka German Cup


Robert Lewandowski
Robert Lewandowski

Bayern Munich ayaa iyaduna gaartay semi-finalka koobka German Cup, kadib marki ay xalay 6-0 ku dardartay kooxda heerka sadexaad ee Paderborn.

Laba ka mida goolasha waxaa saxiixay Arjen Robben, halka afarta kale ay kala qeybsadeen ciyaartooyda kala ah Kingsley Coman, Robert Lewandowski, Joshua Kimmich iyo Tolisso.

Kooxda Bayer Leverkusen ayaa iyaduna u gudubtay wareega afarta koox ee tartanka German Cup, ka gadaal marki ay xalay 4-2 ku garaacday Werder Bremen.

XS
SM
MD
LG